Madaxweynaha Puntland oo isku shaandeyn balaaran ku sameeyay agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyada ee wasaaradaha

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa isku shaandeyn balaaran ku sameeyay agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyada ee wasaaradaha.

Digreetada isku shaandeynta ah ee kasoo baxday xafiiska madaxtooyada maanta oo Khamiis ah ayaa saameyn ku yeelatay agaasimeyaal muddo dheer shaqeynayay.

Isku shaandeynta ayaa u qorneyd sidaan soo socota:

  1. Waxaa Cabdirisaaq Xassan Faarax loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda cadaaladda, Diinta iyo Dhaqancelinta.
  2. Waxaa Maxamuud Axmed Saalax loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka.
  3. Waxaa Mahad Colaad Maxamed loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  4. Waxaa Cabdicasiis Siciid Bootaan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
  5. Waxaa Xassan Shire Abgaal loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.
  6. Waxaa Cabdi Axmed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  7. Waxaa Axmed Cali Gargaar loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.
  8. Waxaa Axmed Xariir Gaas loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska.
  9. Waxaa Cabdifataax Cali Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda.
  10. Waxaa Faarax Maxile Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.
  11. Waxaa Yaasiin Axmed Rooble loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyaqdda ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  12. Waxaa Cabdirisaaq Jaamac Nuur loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Ciyaaraha.
  13. Waxaa Maxamed Abshir Jaamac loo magacaabay Agaasimaha waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
  14. Waxaa Cabdi Cali Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.
  15. Waxaa Siciid Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Amniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*