Jubbaland oo noqotay dowlad goboleedkii ugu horeysay ee soo gudbisa liiska musharixiinta aqalka sare

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Talaado ah soo gudbiyay qaar katirsan xubnaha musharixiinta aqalka sare, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxtooyada.

Xubnaha musharixiinta oo madaxweynaha Jubbaland soo gudbiyay ayaa ah sagaal xubnood oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag.

Jubbaland ayaa noqotay dowlad goboleedkii ugu horeysay ee soo gudbisa liiska musharixiinta aqalka sare ee ku matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*