Ugu yaraan 20 qof oo lagu dilay dagaal ka dhacay Sanaag oo u dhaxeeya labo beelood oo katirsan Somaliland

Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo beelood oo Isaaq ah. [Sawir Hore]
Ceerigaabo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay dagaal beeleed u dhaxeeya labo qabiil oo katirsan Somaliland, sida ilo-wareedyo deegaanka ah ay sheegeen.

In ka badan 40 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay dagaalka, ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray.

Dagaalka ayaa tan iyo horaantii asbuucaan ka dhacayay deegaano miyi ah oo hoos taga degmada Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag.

Labada beelood oo katirsan beesha Isaaq ee Somaliland ayaa sanadihii lasoo dhaafay dagaalo kale oo dad badan ay ku dhinteen uu halkaas ku dhexmaray.

Masuuliyiinta maamulka Somaliland weli kama aysan hadlin dagaaladaan sababay khasaaraha badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*