Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo geeriyooday

Xasan Abshir Farax. [Isha Sawirka: Reuters]
Ankara-(Puntland Mirror) Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa maanta oo Axad ah ku geeriyooday dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisu.

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiiyeeyay geerida ku timid raysulwasaarihii hore.

Marxuumka ayaa sanadihii u dambeeyay xanuunsanayay isaga oo ku sugnaa wadamada Kenya iyo Turkiga, sida xubno katirsan qoyskiisa ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Xasan ayaa sidoo kale soo noqday duqii Muqdisho xilligii xukuumadii milatariga ahayd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre. Xukuumadii Cabdullahi Yuusuf Axmed ee Puntland waxa uu ka soo noqday wasiirka arrimaha gudaha.

Wuxuu kamid ahaa golaha baarlamaanka Soomaaliya xukuumadii Xasan Shiikh Maxamuud. Waxa uu jiray 75 sanno, sida ku qoran taariikh nololeedkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*