Wariye si xun ugu dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Wariye si xun ugu dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho [Sawirka: Twitter]
Wariye si xun ugu dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wariye Soomaaliyeed ayaa si xun loogu dhaawacay qarax gaari oo maanta oo Axad ah ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, sida goobjoogayaashu u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Wariyaha dhaawacmay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdixamiid Maxamed Karsaay, kaasoo la shaqayn jiray taleefishinka Soomaaliga ah ee Universal TV.

Karsaay ayaa dhaawucu soo gaaray kadib markii garax loogu rakibay gaarigiisa uu ku qarxay gudaha degmada Xamar-weyne ee Muqdisho, sida goobjoogayaashu sheegeen.

Wariyaha dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu daaweeyo.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas ilaa iyo hadda.

Wariyenimada Soomaaliya ayaa ah xaalad nooli iyo geeri ka dhaxaysa, dhinacyada ku dagaalamaya gudaha Soomaaliya ayaa mar walba bartilmaameedsada wariyeyaasha.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*