Walaac laga muujiyay in bankiga dhexe ee Soomaaliya loo dhiibo nin ajnabi ah


Xarunta Bankiga Dhexe ee Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qaar katirsan dadka Soomaaliyeed ayaa kasoo horjeestay in bankiga dhexe ee dalka loo dhiibo nin ajnabi ah.

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee hadda jooga Bashiir Ciise Cali oo muddo xilka hayay ayaa xafiiska ka tagaya.

Sanadkii lasoo dhaafay ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya si caalami ah u xayaysiisay shaqada guddoomiyaha bankiga dhexe.

Walaac la muujiyay

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay in nin ajnabi ah loo dhiibayo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya, iyadoo aqoonyahano badan ay walaac ka muujiyeen arrintaas.

Barafasoor Yaxye Caamir, oo kamid ahaan jiray guddiga bankiga dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa walaac weyn ka muujiyay in nin ajnabi ah loo dhiibo guddoomiyaha bankiga dhexe.

“Arrinta hadda ninka la hadal hayo oo Ingiriiska ah, bal marka hore isaga muxuu yahay waa in aan wax iska weydiino, la taliye banki waa uu noqon karaa, laakiin guddoomiye banki dhexe waxaa diidaya sharciga 130 qaybtiisa afar qodobka kowaad A-diisa, wuxuuna leeyahay qofka bankiga dhexe guddoomiye ka noqonaya ma noqon karo qof ajnabi ah,” ayuu yiri Yaxye Caamir.

“Ninkan marka hore maahan Soomaali, waa shardiga kowaad, shuruuda kale waxay leedahay qof muddo ku dhow 12-sanno waa in uu u shaqeynayay haayado maxali ah oo Soomaali ah ama dowladda Soomaaliya, labadaba kama soo shaqayn, qodobkaasna waa uu ku dhacayaa markale.” Ayuu ku sii daray.

Yaxye Caamir ayaa sheegay in ninka loo magacaabayo bankiga dhexe uusan baran wax la xiriira cilmiga dhaqaalaha balse uu bartay suugaanta Ingiriiska.

“Ninkan cilmiyan waxa uu bartay suugaanta Ingiriiska, meeshaana hees iyo dhaqan in looga hadlo looma baahna, takhasus yar oo uu sameeyay waa jiraa oo uu bartay dhaqaalaha beeraha, waa maado kamid ah maadooyinka lagu barto dhaqaalaha, laakiin maahan cilmi dhaqaale, cilmi maamul iyo cilmi xisaabeed, waa hal maado oo kamid ah culuumta dhaqaalaha.”

Waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo leh khibrad iyo aqoon ay ku noqdaan guddoomiyaha bankiga dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*