Maxkamad kutaala Garoowe oo dil ku xukuntay saddex nin oo loo heystay kufsi iyo dil gabar 12-sanno jir ah

Dubaha maxkamada. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maxkamad kutaala magaalada Garoowe ayaa maanta oo Axad ah xukun dil ah ku riday saddex nin oo loo heystay kufsi iyo dil gabar 12-sanno jir ah, guddoomiyaha maxkamada Garoowe Shiikh Cabdinuur ayaa sidaa sheegay.

Saddexda nin ayaa lagu helay dambi ah in ay kufsadeen oo dileen Caasho Ilyaas Aadan gudaha magaalada Gaalkacyo bishii Febaraayo ee sanadkan, baaritaan dheecaan oo ay qaaday xarunta Puntland Forensic Center ayaa muujisay.

Kuwa lagu xukumay dilka ayaa waxaa kamid ah labo walaalo ah.

Maxkamada ayaa sii deysay todobo kale kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen kiiska.

Go’aanka ayaa rafcaan laga qaadan karaa 30-maalmood gudahood, Shiikh Cabdinuur ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*