Ugu yaraan 15 qof oo ku dhimatay weerar ay Al-Shabaab la beegsatay huteel kuyaala Muqdisho

Qaraxa gaariga ayaa lala beegsaday ganjeelada ore ee huteel Elite. [Isha Sawirka: Facebook]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen huteel kuyaala Muqdisho, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerar la beegsadeen Huteel Elite, oo ah huteel cusub oo kuyaala xeebta Liido.

Ciidamada ammaanka ayaa dilay dhammaan afar dagaalyahan oo weerarka qaaday waxayna soo badbaadiyeen tobonaan qof kuwaasoo ku go’doomay gudaha huteelka.

Weerarka ayaa bilaabmay galabnimadii Axada markii qarax xoogan lagu dhuftay ganjeelada ammaanka ee huteelka. Kadibna rag hubeysan ayaa gudaha u galay.

Xagjiriinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabisay idaacadooda Andalus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*