15 maleeshiyo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya asbuucii tagay

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Duqeymo uu Mareykanku ka geystay gudaha Soomaaliya ayaa lagu dilay in ka badan 15 maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab, afhayeenka Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo magaciisa la dhaho Major Karl ayaa idaacada VOA qeybta English-ka u sheegay Jimcadii.

AFRICOM ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in ay qaaday shan duqeymood Isniintii iyo Talaadadii oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab deegaanka janaale ee Shabeellaha Hoose.

Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay weerarada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Sanadkan 2020 Mareykanka ayaa 32 duqeymood ka fuliyay gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*