Ugu yaraan afar qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay banaanka hore masjidka Nabiga ee Madiina

Qiiq qaraxa oo ka baxaya banaanka hore masjidka Nabiga ee Magaalada Madiina.

Ugu yaraan afar qof oo ay kamidyihiin labo ciidanka amaanka ah ayaa lagu dilay qarax ka dhacay banaanka hore ee masjidka Nabiga oo kuyaala magaalada Madiina ee dalka Sucuudi Caraabiya, sida ay sheegayaan wararka.

Sawirada lagu soo daabacay warbaahinta bulshada ayaa muujinaya qiiq ka baxaya banaanka masjidka Nabiga oo ah halka uu ku aasanyahay Nabi Maxamed (N.N.K.H).

Qiiqa qaraxa oo ka muuqda banaanka hore ee masjidka Nabiga magaalada Madiina.

Waxaa sababay qaraxa caawa oo Isniin ah fiidkii dhacay wali lama yaqaan. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa isbiimayn, halka kuwo kale sheegayaan in dhuun shidaal ay qaraxday.

Qaraxa ayaa dhacay kahor Salaada Maqrib inta aysan dhicin qoraxda xilli ay dadka isku diyaarinayeen afurka oo ay ku lahaayeen gudaha masjidka.

Bomb blast site in Medina, 4 July
Qiiqa badan oo ka baxaya banaanka hore masjidka Nabiga ee magaalada Madiina.

Ma jirto cid sheegatay in ay iyagu ka dambayso.

Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo bisha barakaysan ee Ramadaan ay sii dhamaanayso ayna soo food leedahay Ciida Fidriga.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*