Garsoore jooga Hawaii oo joojiyay amarka cusub ee socdaalka ee Madaxweyne Trump

Garsoore jooga Hawaii oo joojiyay amarka cusub ee socdaalka ee Madaxweyne Trump. [Sawirka: Archive]
Garsoore jooga Hawaii oo joojiyay amarka cusub ee socdaalka ee Madaxweyne Trump. [Sawirka: Archive]
Washington-(Puntland Mirror) Garsoore federaal oo jooga Hawaii ayaa mamnuucay amarka cusub ee socdaalka Madaxweyne Donald Trump, saacado kadib markii amarkaas uu bilaabmi lahaa xalay oo Khamiis ahayd saq dhexe.

Garsoore degmo oo la dhaho Derrick Watson ayaa sheegay in cadayntu uu muran ka jiro taasoo ay dowladdu sheegtay in mamnuucidu ay tahay arrin la xiriirta ammaanka qaranka.

Amarka ayaa socon lahaa muddo 90-beri ah, waxaana uu mamnuucaya dadka ka imaanaya lix wadan oo Muslim ah oo kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Suudaan, Yeman iyo Iran.

Trump ayaa ku adkaysanaya in amarkan uu Mareykanka ka joojin doono in ay soo galaan argagixisada, balse dhaleecaynta ayaa sheegaysa in ay tahay tagoor.

Hawaii ayaa kamid ah dhowr dowlad goboleed oo isku dayaya in ay joojiyaan amarka Madaxweyne Trump.

Garsoorayaasha ayaa ku dooday in sharcigan uu dhibaato u keenayo dastuurka Mareykanka sidoo kalena yahay tagoor lidi ku ah dadka ku sugan halkaas oo kasoo jeeda wadamada la mamnuucay.

Hawaii ayaa sidoo kale sheegtay in mamnuucida Madaxweyne Trump uu waxyeelo u geysanayo dalxiiska iyo awooda qorida ardayda iyo shaqaalaha ajaaniibta ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*