Qof is-qarxiyay oo ugu yaraan 23 qof ku dilay masaajid kuyaala waqooyiga-galbeed ee dalka Pakistan

pakistan-suicide-bomb
Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka. Sawirka: Press TV.

Karachi-(Puntland Mirror) Qof bumbo isku soo xiray oo is-qarxiyay ayaa dilay ugu yaraan 23 qof tobonaan kalena waa uu dhaawacay xilli ay dadka ku tuganayeen masaajid kuyaala deegaan beeleed kuyaala waqooyiga-galbeed ee dalka Pakistan, sida ay sheegeen wararka.

Qaraxa ayaa ka dhacay maanta oo Jimce ah tuulada Anbar Tehsil oo kutaala deegaan beeleedka Mohamand oo ku dhow xadka u dhaxeeya wadamada Pakistan iyo Afghanistan halkaas oo kooxda Talibaan ay kula dagaalamayso ciidamada dowlada.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse Taalibaanta ka dagaalanta Pakistan ayaa weeraro joogto ah ku qaada meelaha sida maxkamadaha, iskuulada iyo masaajida.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*