Baadi goob balaaran oo ka socda Badda Madow kadib burburkii diyaarada Ruushka

1482684616976
Baadi goob weyn oo ka socda Badda Madow kadib burburkii diyaarada Ruushka. [Sawirka: Twitter]
Moscow-(Puntland Mirror) Kooxaha badbaadada oo ay taageerayaan Maraakiib iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa baadi goobaya dadkii ku waxyeeloobay kadib markii diyaarad Ruushku lahaa oo ay saarnaayeen 92 qof oo ku socotay Suuriya ay ku burburtay gudaha Badda Madow wax yar kadib markii ay duushay.

Dhammaan rakaabkii diyaaradaas oo u badnaa ciidamamada muusikada Ruushka iyo suxufiyiin ayaa la aaminsanyahay in ay dhinteen.

Diyaarada ayaa kusii jeeday saldhiga Ruushka uu ku leeyahay gudaha Suuriya ee Latakia, waxayna siday 81 qof oo rakaab ah iyo 11 qof oo shaqaalaha diyaaradda ahaa, sida ay ku warantay wakaalada wararka Ruushka ee Interfax.

Diyaarada ayaa nooceedu ahaa Tu-154, oo ahayd saddex matooray ay sameeyeen Midowgii Soofiidka.

Baadigoobayaasha ayaa sidoo kale raadinaya sanduukha madow ee duuba codadka diyaarada si loo ogaado waxyaabaha sababay shilka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*