Trump oo ka baxay heshiiska nukliyeerka Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku dhawaaqaya go’aanka uu uga baxay heshiiska Iran. [Sawirka]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka bixi doono heshiiskii Obama ee Nukliyeerka Iran.

Isaga oo ugu yeeray mid “caajis ah oo qurun ah” ceebna ku ah isaga oo muwaadin ah.

Iyada oo u jawaabaysa, Iran waxay sheegtay in ay u diyaargaroobayso in ay dib u bilowdo kobcinta yuraaniyoomka, kaasoo siin doona awood niyuukleer iyo hub.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa yiri: “Mareykanku waxay iclaamisay in aysan xushmeyneyn balanqaadyadooda.”

“Waxaan amar ku siiyay haayada atoomikada ee Iran in ay diyaar u noqoto tilaabo haddii loo baahdo, sidaa darteed haddii ay laga maarmaan tahay waxaan dib u bilaabi doonaa kobcintayada yuraaniyoomka xadid la’aan.” Ayuu yiri Mdaxaweynaha Iran.

Waxa uu intaas ku daray in uu sugi doono dhowr asbuuc in uu la hadlo xulufada iyo saxiixayaasha kale ee heshiiska.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama kaasoo Mareykanka u saxiixay saddex sanno kahor, ayaa ugu yeeray go’aanka Trump mid “khalad ah”.

Muxuu yahay fal-celiska adduunka?

Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska, kuwaasoo hoggaamiyaashoodu isku dayeen in ay badalaan maskaxda Trump ayaa sheegay in ay ka xunyihiin go’aanka Mareykanka.

Ruushka oo kamid ah saxiixayaasha ayaa Wasiirkooda Arrimaha Dibada sheegay in ay aad uga niyad jabeen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres afhayeen u hadlay ayaa sheegay in uu aad uga walaacsanyahay go’aanka waxaana uu ugu yeeray saxiixayaasha kale in ay ku taagnaadaan balanqaadkooda.

Laakiin Raysulwasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu si buuxda u taageersanyahay go’aanka Trump.

Sidoo kale Sucuudi Caraabiya, oo ah loolamaha gobolka Iran, ayaa sheegtay in ay taageersanyihiin ayna soo dhaweynayaan tilaabada Trump ee ku wajahan ka bixitaanka heshiiska.

Heshiiska ayaa waxa uu u dhaxeeyay Iran iyo shan kamid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ah Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruusha oo lagu daray Jarmalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*