Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay xarun booliis oo kutaala koonfurta-bari ee Turkiga

Qarax Cizre
Qaraxa oo burburiyay dhisme kamid ah xarunta booliiska. Sawirka: AFP.

Istanbul-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 11 booliis ah ayaa lagu dilay 70 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii weerar loo adeegsaday gaari lagu qaaday xarun booliis oo kutaala magaalada Cizre ee koonfur-bari dalka Turkiga, sida ay sheegeen saraakiisha.

Gaariga qaraxa waday ayaa ku qarxay kantarool kuyaala banaanka hore ee xarunta booliiska maanta oo Jimce ah kadib markii dadka weerarka soo qaaday ay ku fashilmeen in ay ka gudbaan wardiyaashii joogay halkaas, qaraxa ayaa waxaa daba socday dagaal dhexmaray kooxda weerarka qaaday iyo ciidamada booliiska.

Xisbiga shaqaaalaha Kurdiyiinta ee PKK oo dalka Turkiga laga mamnuucay ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas in ay iyagu ka dambeeyaan.

Weerarka ka dhacay magaalada Cizre ayaa imaanaya labo maalmood kadib markii ciidamada Turkiga ay weerar cir iyo dhul ah ku qaadeen dariskooda dalka Suuriya, weerarkaas oo ay saraakiisha dowlada Turkiga sheegeen in lagu bartilmaameedsanayo kooxda ISIS iyo dagaalyahanada Kurdiyiinta.

Magaalada Cizre oo weerarka ka dhacay ayaa kutaala gobolka Sirnak ee dalka Turkiga oo xuduud la leh wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

In ka badan 40,000 oo qof ayaa ku dhimatay tan iyo markii falaagada PKK ay hubka qaateen sanadkii 1984.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*