Madaxweynaha Cabdiweli oo sheegay in Puntland aysan wax faaiido ah ka helin aqalka sare ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: The National]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheegay in aysan wax faaiido ah ka helin aqalka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

“2011-kii marka dastuurka la sameynayay maamulka keliya oo aqalka sare ku doodayay waxay ahayd Puntland,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali oo ka hadlayay shir ku saabsan arrimaha dastuurka kumeelgaarka oo ka dhacay Garoowe maanta oo Talaado ah.

“Lama rabin in la dhiso aqalka sare waan khasabnay, laakiin hadda waxba nama tarin, wax hadda uu na taray oo noo soo kordhiyay ma jirto,” ayuu ku sii daray.

Dhaliisha xubanaha aqalka sare u matala Puntland

Madaxweynaha Cabdiweli ayaa dhaliil u soo jeediyay xubnaha aqalka sare u matala Puntland, isaga oo sheegay in aysan waxba tarin.

“Maa aragtay meel ay jiraan, waxaan dooranay kuwo khibrad leh in aan geysano aqalka sare, madaxweynayaal iyo raysulwasaareyaal, Cabdiraxmaan Faroole Cumar Cabdirashiid, si khibradooda aan uga faaideysano Puntland-na wax badan u dhiciyaan,” ayuu yiri Madaxweynuhu, isaga oo intaas ku sii daray “ma taqaaniin meel ay jiraan miyaad ka war qabtaan hadda.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*