Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh oo diiday in uu xilka ka dego

Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh. [Sawirka: Reuters]
Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh. [Sawirka: Reuters]
Banjul-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa ku adkaystay in uusan xilka la degi doonin inkastoo laga adkaaday doorashadii madaxweynaha ee dhacday kowdii bishaan December, iyadoo hoggaamiyaasha dalalka urur goboleedka Galbeedka Afrika iyo wadamada Reer Galbeedka u jeediyeen in uu si nabad ah xilka ku wareejiyo.

Yahya Jammeh ayaa markii hore qirtay in doorashada looga adkaaday kadib khudbad uu taleefishinka dowladda ka sii daayay, laakiin asbuuc kadib ayuu qaadacay natiijada doorashada, isaga oo dalbaday doorasho cusub.

Asbuucii lasoo dhaafay, ciidamada Gambia ayaa la wareegay xafiiska Guddiga Doorashooyinka ee dalkaas oo kuyaala caasimada Banjul, waxayna ku amreen guddoomiyaha in uu isaga tago halkaas.

Jammeh ayaa sidoo kale cambaareeyay hoggaamiyaasha urur goboleedka ECOWAS isaga oo ku tilmaamay faragelin arrimaha Gambia.

Madaxweynaha ku guuleystay doorashada Adama Barrow ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu xafiiska la wareego marka 18-ka bisha soo socota ee sanadka cusub uu dhammaado wakhtiga Jammeh.

Asbuucii lasoo dhaafay, ECOWAS ayaa u sheegtay Jammeh in uu xilka ka dego marka wakhtigiisu dhammaado bil kadib, waxayna wacad ku mareen in ay qaadi doonaan tilaabo walba oo muhiim ah si loogu khasbo natiijada doorashada.

Jammeh, oo xukunka ku qabsaday afgembi milatari sanadkii 1994-tii, isaga oo jirey 22-sanno, ayaa afar doorasho oo hore guuleystay.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*