Al-Shabaab oo haweenay dhagax ku dishay ay ku eedeeyeen in ay niman badan guursatay

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo dhoolatus millatari ka sameynaya tuulo kutaala gobolka Shabeellaha Hoose, bishii Febaraayo 17, 2011. [Lahaanshaha Sawirka: AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haweenay ayaa lagu dilay dhagax deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose Arbacadii kadib markii maxkamad ay maamusho maleeshiyada Al-Shabaab ay ku eedaysay in ay guursatay niman badan, sida ay sheegeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab.

Shukri Cabdullaahi Warsame ayaa lagu eedeeyay in ay guursatay 11 nin, iyadoo aysan furin nimankeedii hore.

Waxaa loo qoday god waxaana dhagaxuun la dhacay dagaalyahano katirsan xagjiriinta Al-Shabaab, sida warbaahinta Al-Shabaab ay sheegtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*