Guddi labo dhinac oo ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Addis Ababa

Guddi labo dhinac oo ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya oo Addis Ababa ku kulmay, September 1, 2018. [Xigashada Sawirka: FANA]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Guddi labo dhinac oo ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhawaan la asaasay ayaa kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya maanta oo Sabti ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Itoobiya ee FANA.

Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay kamidyihiin ammaanka, dhaqaalaha iyo xaaladaha kale ee gobolka ka jira.

Bishii June ee sanadkan markii Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo safar ku yimid Muqdisho, ayaa heshiiskii uu la saxiixday dowladda federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah sameynta guddi labada dhinac oo heer wasaaradeed ah kuwaasoo la sheegay in ay la socon doonaan miro dhalka heshiiskii la gaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*