Madaxweyne Deni oo gaaray Boosaaso, sheegayna in uu wax ka qaban doono nabadgelyada magaalada

Madaxweyne Deni oo la hadlaya dad weynaha Boosaaso. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa masuuliyiin katirsan dowladda iyo dad weyne shacab ah ay ku soo dhaweeyeen magaalada Boosaaso.

Deni oo la hadlayay dad weynihii soo dhaweeyay ayaa sheegay in xukuumadiisu ay wax weyn ka qaban doonto ammaanka magaalada laguna soo celin doono xasilooni.

“Waxaan balanqaadaynaa in aan si adag uga hortegayno dadka doonaya inay dadkeena dhibaateeyaan ee nolosheena wax u dhimmaan, waxaan rajeynayaa Boosaaso in ay ku soo noqoto iyo gabi ahaan gobolka Bari nabadii lagu naaloon jiray ee caanka ku ahayd,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Siciid Cabdullahi Deni ayaa dabayaaqadii asbuucii lasoo dhaafay bilaabay safarkiisii ugu horeeyay ee ka baxsan caasimada Garoowe tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Janaayo 2019.

Bilihii u dambeeyay, magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka dhacay dilal lala beegsaday madaxii shirkada DP World ee dekada Boosaaso, hoggaamiye dhaqameed iyo askar katirsan dowladda.

Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo Daacish kuwaasoo weeraro argagixiso ka geystay magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*