Sanadguurada 74-aad ee maalinta ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo la xusayo

Sawirka: Ciidamo booliis ah oo ka qeybgalaya xuska sanadguuradii 72-aad gudaha Muqdisho 20 December 2015.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Sanadguurada 74-aad ee maalinta ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa laga xusayaa gudaha Soomaaliya.

Dhammaan gobolada dalka oo dhan ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa lagu qabtay munaasabadaha xuska maalinta ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ku beegan 20 December.

Ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ah haayada ugu sareysa ee haayadaha sharci fulinta ayaa la asaasay 20 December 1943 todobo sanno kahor xornimada, balse markii ay dhacday xukuumaddii Maxamed Siyaad Bare sanadkii 1991, Soomaaliya ayaan weli lahayn ciidamo booliis oo si wanaagsan u tababaran oo abaabulan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*