Puntland oo aas qaran u sameysay taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hortaagan meydka Janaraal Carays oo lagu duubay calanka Puntland. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah aas qaran u sameysay taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Janaraal Cabdullaahi Cali Mire “Carays”, kaasoo ku dhintay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland Arbacadii.

Taliyihii hore ayaa lagu aasay qabuuro kuyaala duleedka magaalada Garoowe, halkaas oo Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Siciid Deni iyo madaxweynayaashii hore Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdiraxman Maxamed Faroole ay ka qeybgaleen.

Masuuliyiin kale oo katirsan haayadaha dowladda iyo saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale ka qeybgalay aaska.

Taariikh kooban

Wuxuu ku dhashay miyiga gobolka Mudug qiyaastii 1948.

Waxa uu ciidamada milatariga Soomaaliya ku biiray 1971, waxaana tababar muddo 7 sanno ah uu ku soo qaatay dalka Ruushka.

Markii la asaasay jabhadii SSDF ayuu ku biiray, waxaana uu kamid noqday saraakiishii sare ee jabhada.

Waxa uu kamid ahaa asaasayaashii dowladda Puntland 1998, waxaana uu noqday taliyihii ugu horeeyay ee ciidamada Daraawiishta.

Janaraal Carays waxa uu la taliyaha dhanka amniga kasoo noqday xukuumadihii Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*