Ciidamo katirsanaa Somaliland oo isku soo dhiibay Puntland

Ciidamada isa soo dhiibay ayaa gaaraya 160 askari. [Sawirka: PLTV]
Garowe-(Puntland Mirror) Ciidamo gaaraya 160 askari oo katirsanaa maamulka Somaliland ayaa isku soo dhiibay Puntland, sida uu baahiyay taleefishinka dowladda Puntland ee PLTV Axadii.

Ciidamada ayaa ku sugnaa deegaanka Caroweyn ee gobolka Ceyn, sida uu PLTV sheegay.

Xildhibaano katirsan Puntland oo joogay goobta ciidamadda lagu soo bandhigay, ayaa soo dhaweeyay ciidamadda isa soo dhiibay, waxayna balanqaadeen in xuquuqdooda ay ka heli doonaan Puntland.

Tilaabadaan ayaa imaanaysa iyada oo todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamo katirsan Puntland iyo Somaliland ay isku hor fadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, uuna dagaal ka dhex qarxi karo wakhti kasta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*