Madaxweyne Farmaajo oo Xasan Shiikh kula kulmay Turkiga

Madaxweyne Farmaajo oo Xasan Shiikh kula kulmay Turkiga. [Sawirka: Twitter]
Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku kulmay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida uu boggiisa Twitter-ka ku sheegay Farmaajo.

“Waxaan la kulmay madaxweynihii hore Mudane Xasan Shiikh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna.” Ayuu ku yiri qoraal uu boogiisa Twitter-ka soo dhiggay Madaxweynuhu.

Farmaajo ayaa Xasan Shiikh kaga adkaaday doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya ee dhacday bishii Febaraayo 2017-kii.

Xasan Shiikh Maxamuud iyo qoyskiisa ayaa deganaansho ka helay dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horaantii asbuucaan tagay Turkiga si uu uga qeybgalo caleemosaarka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*