Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgali doona munaasabada caleemosaarka madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgali doona munaasabada caleemosaarka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahai Deni, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Madaxda maamul goboleedyada, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, iyo si lamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda hadda jirta, ayaa sidoo kale lagu casumay munaasabada, sida masuuliyiin katirsan dowladda Puntland ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror. 

Munaasabada caleemo-saarka ayaa la qorsheeyay in ay 26-ka bishaan Janaayo ay ka dhacdo magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.

Deni oo 8-dii bishaan Janaayo loo doortay madaxweynaha Puntland ayaa 14-kii isla bishaan la wareegay xafiiska madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*