Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika oo Muqdisho yimid

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika Thomas D. Waldhauser iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo ku sugan garoonka Muqdisho November 27, 2018. [Sawirka: AFRICOM]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika Thomas D. Waldhauser ayaa safar ku yimid Muqdisho Talaadadii.

Intii lagu guda jiray safarka, Waldhauser ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiinta sare ee haayadaha difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“AFRICOM iyo dowladda Mareykanka waxay ka taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed, iyo howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya dadaalkooda sidii guul joogto ah looga gaari lahaa dowladnimada, horumarka iyo ammaanka,” ayuu yiri Waldhauser.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa duqeymo badan ka geystay gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii lasoo dhaafay kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu u ogolaaday AFRICOM in ay qaadi karaan duqeymo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Sanadkan 2018-ka, AFRICOM ayaa ku dhawaad 30 duqeymood ka fuliyay gudaha Soomaaliya.

Duqeymihii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay gobolka Mudug asbuucii hore, halkaas oo lagu dilay 40 dagaalyahan oo Al-Shabaab ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*