Puntland oo muddo bil ah hakisay dhammaan doomaha kalluumeysiga ee dibada ka yimaada

Shirka golaha wasiiradda Puntland, March 7, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa muddo bil ah hakisay dhammaan doomaha kalluumeysiga ee dibada ka yimaada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada kadib kulan ay yeesheen golaha wasiiradda.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash Beeldaaje ayaa sheegay in dowladdu go’aankaas u qaadatay si looga hortago cudurka Coronavirus.

“Si aan uga hortagno cudurka dilaaga ah ee Coronavirus, waxaan joojinay dhamaan doonyaha Kalluumaysiga ee dibada ka imanaya inay soo galaan Biyaha Bada Puntland laga bilaabo LaasQoray ilaa Galhagoog mudo bil ah oo ka bilaabanaysa 8da Maarso 2020.” Wasiirka ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhiggay boggiisa Facebook.

Cudurka Coronavirus oo ka bilaabmay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa si weyn ugu faafay caalamka. Ku dhawaad 3,000 qof ayaa u dhintay xanuunka adduunka oo dhan, iyadoo 93,000 kiis laga xaqiijiyay tobonaan dal oo adduunka ah, sida ay sheegtay haayada caafimaadka adduunka ee WHO.

Iran oo kamid ah dalalka doonyahooda kallumeysigu ay ku lug leeyihiin xeebaha Soomaaliya, ayaa kamid ah dalalka uu saameeyay cudurka, waxaana u dhimatay ku dhawaad 80 qof halka 3,500 qof oo kalena uu soo ritay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*