Saddex dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay gobolka Mudug

Maleeshiyo oo Al-Shabaab ah. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Duqeyn diyaradaha Mareykanku ay ka geysteen gudaha Soomaaliya ayaa lagu dilay saddex dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Duqeynta ayaa Talaadadii ka dhacday deegaanka Qay Cad ee gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta aysan keenin wax dhaawac iyo dhimasho ah oo shacabka soo gaaray.

Asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, ku dhawaad saddex duqeymood ayaa ka dhacay gobolka Mudug, oo lagu dilay dagaalyahano gaaraya 50.

Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya ka fuliyay in ka badan 35 duqeymood oo ka dhan maleeshiyada Al-Shabaab intii lagu guda jiray sanadkan 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*