Mudaharaad looga soo horjeedo joogitaanka Somaliland oo ka dhacay magaalada Laascaano

Mudaharaad looga soo horjeedo joogitaanka Somaliland oo ka dhacay magaalada Laascaano. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Boqolaal qof ayaa ka qeybgalay mudaharaad ka dhacay magaalada Laascaano ee gobolka Sool, sida uu baahiyay taleefishinka dowladda Puntland ee PL TV.

Mudaharadayaasha ayaa sheegay in aysan taageersanayn maamulka Somaliland, aysana dooneyn in ay Soomaaliya ka go’aan.

“Anagu waxaan nahay Soomaali, oo weligayo ahaanaynaa, kama go’ayno Soomaali, Somaliland ma taageesani ma nihin mana noqon doono,” ayuu yiri mid kamid ah banaanbaxayaasha.

Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay katirsanyihiin dowladda Puntland, iyaga oo taageeray gulufka Puntland ay ku dooneyso in ay maamulka Somaliland uga xoreyso gobolkaas.

“Shacabkayagu waxa weeye Puntland, waxaanu nahay Soomaaliya, Somaliland afduub bay nagu heysataa, xoog bay nagu heystaan, ma dooneyno ma rabno.” Mid kale oo banaanbaxayaasha kamid ah ayaa sidaa yiri.

Mudaharaadkan ayaa yimid kadib markii asbuucii lasoo dhaafay maamulka Somaliland ay soo saareen go’aano ay ku caburinayaan shacabka Laascaano, iyaga oo mamnuucay in wax shirar ah iyo mudaharaad lagu qabto gudaha magaalada.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ku dagaalamayay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Dowladda hadda jirta ee Puntland ayaa sheegtay in ay dib u soo celin doonto deegaanada dastuuriga ah ee Puntland oo ay heysato Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*