RW Soomaaliya oo ku siii jeeda Mareykanka si uu uga qeybgalo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Sawirka: Raysulwaaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwaaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ku siii jeeda Mareykanka si uu uga qeybgalo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo.

Khyare ayaa khudbadiisii ugu horeysay u jeedin doona Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana la filayaa in uu ka codsado madaxda caalamka in la xoojiyo taageerada dalkiisa ee arrimo kala oo ay ku jiraan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shababa iyo dic u dhiska dalka.

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta Talaadada ka furmi doona magaalada New York, halkaas oo madax ka socota in ka badan 190 wadan ay ka qeybgali doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*