Ciidamadda ammaanka oo ka hortagay labo weerar oo qaraxyo gaari ah gudaha Muqdisho

Ciidamadda ammaanka oo ka hortagay labo weerar oo qaraxyo gaari ah gudaha Muqdisho. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamadda ammaanka Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho ayaa ka hortagay labo gaari oo qarax ismiidaamin ah Jimcadii, sida uu sheegay sargaal katirsan ciidanka.

Sargaal katirsan ciidamadda dowladda Soomaaliya, oo magaciisa codsaday in aan la sheegin, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ciidanku ay joojiyeen gaari qarax oo u muuqday inuu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ku dhintay qofkii ismiidaamiyaha ahaa.

Gaari labaad ayaa ku qarxay bar kantarool kutaala Muqdisho kadib markii ciidanku ay joojiyeen, waxaana ku dhintay labo qof oo loo maleynayo in ay ahaayeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab, sida uu sargaalku sheegay.

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhaawacantay qaraxyada, sargaalka ayaa intaas ku daray.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadda, balse ururka hubeysan ee Al-Shabaab ayaa mar walba fulisa qaraxyadda caasimada Muqdisho.

Weerarada maanta oo Jimce ah ayaa dhacay saacado yar kadib markii Muqdisho ay martigelisay markii ugu horeysay orod dheer tan iyo sanadkii 1991.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*