Hoggaamiyaha golaha Oromada oo sheegay in dagaalka dib u eegida dhulka uu Ethiopia u jihayn karo dagaal sokeeye

Merera-Gudina
Hoggaamiyaha golaha dadka Oromada, Merera Gudina.

Washington-(Puntland Mirror) Banaanbaxyo waa-weyn oo ay ka qaybqaateen boqolaal qof ayaa ka dhacay dalka Ethiopia asbuucyadii lasoo dhaafay.

Merera Gudina, oo ah hoggaamiyaha golaha dadka Oromada, oo wareysi siiyay wakaalada wararka Reuters isagoo jooga magaalada Washington ayaa sheegay in banaanbaxyada dalka ka socda ay Ethiopia ku ridi karaan dagaalo sokeeye haddii dowlada ay ku fashilanto siyaasada dib-u eegida dhulka.

Merera Gudina, ayaa sheegay in dalka Ethiopia uu lugta ku hayo “wado khaldan”.

“Dadka waxay dalbanayaan xaqooda,” ayuu yiri. “Dadka waa ka dharagsanyihiin waxaa rajiimka uu samaynayay muddo badan, waxay kasoo horjeedaan dhul qabsiga, dhibaatooyinka, xadida doorashooyinka, kharashka nolosha oo sii kordhaya.” Ayuu yiri hoggaamiye Merera Gudina.

“Hddii ay dowlada sii wado cadaadinta, iyadoo ay dadka dalbanayaan xaqooda waxaa dhici karta xaalado dagaal oo sokeeye,” Gudina ayaa sidaa yiri.

In ka badan 90 qof ayay ciidamada amaanka toogteen asbuucii lasoo dhaafay, kuwaasoo banaanbaxyo ka dhigayay gobolada qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada, sida ay sheegeen haayadaha xuquuqul iinsaanka.

Haayada Human Rights Watch ayaa ku qiyaastay in lagu dilay gudaha dalka Ethiopia 400 oo dad ah kuwaasoo dhigayay banaanbax intii u dhaxysay bishii November ee sanadkii 2015-ka ilaa iyo June 2016-ka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*