Dagaalka Mowsil oo galay maalintii saddexaad

tanks
Baabuurta gaashaaman ee dowlada Ciraaq oo kusii jeeda dhanka magaalada Mowsil. [Sawirka: Twitter]
Baqdaad-(Puntland Mirror) Dagaalka ayaa galay maalintii saddexaad iyada oo xoogaga huwanta ah ay sii wadaan gulufkooda ka dhanka ah kooxda ISIS ee magaalada Mowsil oo ah halkii ugu dambaysay oo ay ku xoganaayeen kooxda ee gudaha dalka Ciraaq.

Dagaalka dhawaan bilaabmay ayaa waxaa dib u dhigay qaraxyo ay ISIS galisay wadooyinka, sida ay sheegayaan saraakiisha.

Saraakiisha Ciraaq ayaa sheegay in qorshaha la sameeyay uu yahay in ciidamadoodu ay labo dhinac oo waa-weyn kaga yiamaadaan kooxda ISIS.

Taliyeyaasha xoogaga huwanta ah ayaa sheegay in howlgalka uu u socdo sidii loo qorsheeyay, inkastoo ay jiraan iska-caabin ka imaanaysa dagaalyahanada ISIS kuwaasoo weeraro isbiimayn ah soo qaadaya.

Xulufada Maraykanka ayaa sheegay in ay duqaymo ku burburiyeen 52 bartilmaameed malintii kowaad ee howlgalka.

“Tusmooyinka hore waxay muujinayaan in ciidamada Ciraaq ay la kulmeen ujeedooyinkoodii ilaa iyo hadda, ayna kusii jeedaan qorshahoodii,” Peter Cook, oo ah afhayeenka xoghayaha waaxda difaaca Maraykanka ayaa sidaa yiri.

Mowsil ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq, waxayna Qaramada Midoobay ka cabsi qabtaa in ku dhawaad hal milyan ay guryahooda uga barakacaan dagaalka dartiis, iyada oo 700,000 kamid ah ay u baahanyihiin hoy.

Magaalada ayaa gacanta kooxda ISIS ku dhacday sanadkii 2014-kii.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*