Ugu yaraan 30 qof oo ku geeriyooday qaraxyo mataano ah oo ka dhacay caasimada Afkaanistaan

Ugu yaraan 30 qof oo ku geeriyooday qaraxyo mataano ah oo ka dhacay caasimada Afkaanistaan. [Sawirka: Reuters]
Ugu yaraan 30 qof oo ku geeriyooday qaraxyo mataano ah oo ka dhacay caasimada Afkaanistaan. [Sawirka: Reuters]
Kabul-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay 80 kalena waa ay ku dhawacmeen qaraxyo mataano ah oo ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka dalka Afkaanistaan ee gudaha caasimada Kabul, sida ay sheegeen saraakiishu.

Weerarka ayaa dhacay intii lagu guda jiray saacadii rawaxaada, iyada oo shaqaalaha ay ka tagayeen xarunta baarlamaanka.

Daqiiqado kadib markii qaraxa uu dhacay, qof u hadlay ururka Taalibaan ayaa sheegay in ay iyagu geysteen weerarka oo uu sheegay in ay la eegteen haayada sirdoonka Afkaanistaan.

Intooda badan dadka dhintay ayaa la sheegay in ay ahaayeen shacab, oo ay kamidyihiin shaqaalaha baarlamaanka.

Ilaaliye katirsanaa baarlamaanka oo dhaawacmay oo magaciisa lagu sheegay Zabi ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in qaraxa uu ka dhacay banaanka xarunta baarlamaanka, waxaana uu sheegay in qaraxa kowaad uu sababay qof lugeynayay oo isa-soo miidaamiyay.

Ahmed Wali, oo ah taliyaha ciidamada booliiska degmada todobaad ee Kabul, ayaa BBC uu sheegay in qaraxa labaad oo ahaa gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu dhacay kadib markii ciidamada booliiska ay damceen in ay caawiyaan dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii hore.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*