Gaariga ayaa waxa uu siday shaqaale katirsan mid kamid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu weyn Afghanistan.
Sargaal dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in qaraxa uu sababay qof isa-soo biimeeyay oo lugeynayay, balse afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in uu u muuqdo in uu sababay bumbo dhulka lagu aasay.
Ma jirto koox ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse waxay kusoo beegmaysaa wakhti Taalibaan ay kordhisay weeraradeeda gudaha dalka Afghainstan.
Asbuucii lasoo dhaafay, in ka badan 30 qof ayaa la dilay kadib markii weeraryahano u labisan sida dhakhaatiirta ay weerar ku qaadeen isbitaalka milatari ee ugu weyn gudaha caasimada dalka Afhanistan ee Kabul.
Ururka hubaysan ee ISIS ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas.
Ururka kale ee ka dagaalama dalka Afghanistan ee Talibaan ayaa iska fogeeyay in ay wax lug ah ku leeyihiin weerarkaas.