Taliyaha ciidamada booliiska Puntland oo mamnuucay isticmaalka gawaarida muraayadaha madow

Taliyaha ciidamada booliiska Puntland, Kornayl Cabdulqaadir Shire Faarax. [Sawirka: Archive]
Taliyaha ciidamada booliiska Puntland, Kornayl Cabdulqaadir Shire Faarax. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada booliiska Puntland, Kornayl Cabdulqaadir Shire Faarax oo loo yaqaan Ereg ayaa iclaamiyay tilaabooyinka lagu xoojinayo ammaanka gudaha Puntland.

Shir saxaafadeed uu Ereg ku qabtay caasimada Garoowe ayuu ku sheegay in la mamnuucay isticmaalka muraayadaha madow ee gawaarida, sidoo kale ayuu ku amray ciidamada ammaanka in ay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan kuwa jebiya sharciga.

Taliyaha ciidamada booliiska ayaa sheegay in muraayadaha madow oo geliya loo ogolyahay Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

“Anoo tixraacaya digreetadii madaxweynaha Puntland ee ku taarikhaysnayd 12, July 2014, waxaan si rasmi ah u mamnuucay isticmaalka muraayadaha madow ee baabuurta. Sharcigu waxaa kaliya oo u ogolaanayaa hoggaamiyaasha Puntland iyo golaha baarlamaanka, balse waa ka mamnuuc cid kale in ay isticmaasho.” Ayuu yiri taliye Ereg.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore mamnuucday gawaarida muraayadaha madow balse wali waxaa muuqata in laga isticmaalayo gudaha magaalooyinka waa-weyn.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*