RW Soomaaliya oo kulan la qaatay wefdi ka socda dalka Sudan

unnamed-4-1
RW Soomaaliya oo kulan la qaatay wefdi wasiiro ah oo ka socda dalka Sudan. Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa maanta oo Jimce ah kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho wefdi ka socda dalka Sudan.

Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka caafimaadka Sudan Bahar Idris Abu Garda, waxaana wefdiga kamid ahaa wasiir dowlaha arrimaha dibada Sudan Kamal Ismail iyo saraakiil kale oo Sudan ah.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga qotada dheer ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sudan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in manta ay noogu yimaadeen Magaalada Muqdisho wefdi ka socda Sudan, kuwaasoo noo haya niyad wanaag iyagoona dadka Soomaaliyeed marxalad kasta oo soo martay 25-sanno ee la soo dhaafay ay la qaybsanayeen oo ay garab istaagnayeen, waxaana naga dhaxeeya walaaltinmo iyo islaantinimo, waxay u yimaadeen Soomaaliya inay idhahooda ku arkaan horumarka ka jira dalka , waana idinku soo dhaweynaynaa Soomaaliya,” sidaa waxaa yiri RW Sharmaake.

Dhankiisa, wasiirka caafimaadka Sudan, Idris Abu Garda, ayaa uga mahadceshay RW Soomaaliya soo dhaweynta loogu sameeyay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dalkiisa uu sii xoojin doono taageerada ay la garab-taaganyihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Ugu dambayna waxaa kulanka RW ee wefdiga Sudan kala qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka caafimaadka iyo wasiir dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*