Duufaanta Luban oo la filayo in ay soo gaarto deegaan xeebeedyada gobolada Bari iyo Sanaag ee Puntland

Duufaanta oo ka timid waqooyiga Badweynta Hindiya ayaa la filayaa in ay soo gaarto dalka Yemen kadibna ay uga gudubto deegaanada xeebaha ee gobolada Bari iyo Sanaad 48 ilaa 72 saac ee socota. [Sawirka: Accu Weather]
Garoowe-(Puntland Mirror) Duufaanta Luban ayaa la filayaa in ay dabaylo xoog leh oo wata roob dhex-dhexaad ah ku keento gobolada Bari iyo Sanaag ee Puntland, Soomaaliya.

Duufaanta oo ka timid waqooyiga Badweynta Hindiya ayaa la filayaa in ay soo gaarto dalka Yemen kadibna ay uga gudubto deegaanada xeebaha ee gobolada Bari iyo Sanaag 48 ilaa 72 saac ee socota, sida ay qoraal ku sheegtay haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO.

Duufaanta ayaa khatar ku keeni karta marinka maraakiibta ee isku xira Soomaaliya iyo dowladaha Khaliijka, sida lagu sheegay warbixinta FAO.

Roobab dhex-dhexaad ah iyo dabaylo ayay la kulmi doonaan deegaanada kuyaala xeebaha Bari iyo Sanaag. Saameynta ayaa la filayaa in ay noqoto mid ka hooseysa marka loo barbardhigo duufaanadii dhawaan ka dhacay deegaanadaas., sida lagu sheegay warbixinta.

Si kastoo ay ahaataba, waxaa lagula talinayaa dadka deegaanku in ay muujiyaan taxadar sababtoo ah duufaanta ayaa burbur ku keeni karta dhismayaasha daciifka ah. Sidoo kale waxaa la filan karaa daad ka dhaca deegaanadaas, ayaa warbixinta FAO lagu sii sheegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*