Waa kuma Mukhtaar Roobow, maxay is dhiibistiisu uga dhigantahay Al-Shabaab?

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. [Sawirka: Archive]
Mukhtaar Roobow sidoo kale loo yaqaan Abu Mansuur waxa uu ku dhashay sanadkii 1969 gudaha degmada Xudur ee gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu Quraanka Kariimka ku bartay dugsi Quraan kuyaala gudaha gobolka Bakool, kadibna waxa uu barashada diinta kasii watay masaajid kuyaala gudaha magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1990 waxa uu shareecada ka bartay Jaamacada Khartuum ee dalka Suudaan.

Sanadkii 1996 waxa uu saldhigii ugu horeeyay ee xirfadlenimada tababarka maleeshiyada ka furay gudaha Xudur.

Sanadkii 1998 waxa uu hoggaamiye ka ahaa dagaalkii Gedo ee dhexmaray dhaqdhaqaaqa maleeshiyada ee ka dhanka ah ciidamada Itoobiya ee degmada Luuq iyo gobolka Gedo.

2001 ilaa 2002, waxa uu u safray dalka Afkaanistaan si uu tababar ugu soo qaado waxaana uu ka soo qeybgalay dagaalkii Afkaanistaan ee ka dhanka ahaa ciidamada Mareykanka.

2002 ilaa 2004, waxaa la rumeysanyahay in uu Scandinavia qaxooti ku ahaa, gaar ahaan dalka Finland.

2006 waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka iyo masuulka Arrimaha Amniga gudaha ee ururkii Maxaakiimta Islaamka.

Sanadihii u dhaxeeyay 2007 ilaa 2013, waxaa uu soo noqday hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab iyo afhayeenka kooxda.

Sanadkii 2012, Mareykanku waxa ay ku dareen liiska dadk argagixisada ah ee ay doonayaan waxaana madaxiisa la dul saaray shan milyan oo Dollar (5,000,000).

2013 wixii ka dambeeyay waxaa uu ku sugnaa deegaano kuyaala gobolada Bay iyo Bakool oo qabiilkiisa Raxan-weyn ay degaan, kadib markii ay isku dhaceen hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Abuu Subeyr.

Bishii lasoo dhaafay ee June ee sanadkan, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay liiska argagixisada ka saartay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Goaanka Mareykanka kadib, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilowday ugaarsiga si ay u qabtaan ama u dilaan Mukhtaar Roobow. Bilowgii bishaan Agoosto 2017, dagaalyahano hubaysan oo ka socda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Abal oo fadhi u ahayd Abu Mansuur.

Maanta oo bishu tahay 13 Agoosto, 2017, Mukhtaar Roobow Abu Mansuur waxa uu si rasmi isugu dhiibay gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxay Al-Shabaab uga dhigantahay is dhiibida Roobow?

Cabdi Cumar Bile oo ah tifaftiraha warsidaha Puntland Mirror oo inta badan wax ka qora arrimaha maleeshiyaadka ka dagaalama gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in is dhiibida Roobow ay guuldaro weyn ku tahay Al-Shabaab.

“Dhabtii is dhiibida Roobow waxay dhibbaato weyn ku tahay Al-Shabaab, marka laga eego dhinacyo badan, tusaale ahaan Roobow waxa uu kasoo jeeda qabiilka Raxan-weyn oo dega gobolada Bay iyo Bakool waana qabiilka ugu badan ee katirsan dagaalyahanada Al-Shabaab iyo xubnaha Al-Shabaab ee fuliya qaraxyada ismiidaaminta ah, marka taasi waxay ku keeni doontaa Al-Shabaab in ay dagaalyahano badan waayi doonto oo kasoo jeeda goboladaas,” ayuu yiri Cabdi Cumar.

“Roobow waxa uu ka qeyb qaadan doonaa olole looga hortagayo in ay Al-Shabaab dagaalyahano ka qorato deegaanada Bay iyo Bakool, taasina waxay hoos u dhac ku noqon doontaa kooxda, sidoo kale waxaa xusid mudan in uu noqonayo hoggaamiyihii ugu sareeyay abid ee Al-Shabaab katirsan oo isku dhiiba gacanta dowladda taasoo ay dowladdu ka faa’iidaysan doonto xogta uu hayo, taasoo loo adeegsan karo burburinta ururka hubaysan,” ayuu ku sii daray.

Al-Shabaab ayaa tan iyo sanadkii 2006 dagaal ka waday gudaha Soomaaliya si ay gacanta ugu dhigaan dalka ayna u yagleelaan maamul ay iyagu leeyihiin, maleeshiyada oo dagaalyahanadeeda lagu qiyaaso ilaa 9,000 ayaa laga saaray inta badan magaaloyinkawaa-weyn ee kuyaala koonfurta Soomaaliya balse weli waxay ku suganyihiin deegaano badan oo u badan miyiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*