Mareykanka oo duqayn ka dhan ah Al-Shabaab ka geystay gobolka Banaadir

Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka. [Sawirka: Archive]
Garowe-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa qaaday duqayn ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay bayaan ku sheegtay waaxda Difaaca Mareykanka.

Howlgalka ayaa ka dhacay gudaha gobolka Banaadir ee koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegeen Mareykanku.

Bayaanka dhexdiisa, Mareykanka ayaa ku sheegay in ay wadaan qiimaynta natiijada howlgalka ayna bixin doonaan faahfaahinta warbixinta sida ugu habboon.

Dabayaaqadii bishii July, Mareykanka ayaa duqayn ku dilay hoggaamiye sare oo katirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo la dhaho Cali Maxamed Xuseen loona yaqiin Cali Jabal, duqayntaas ayaa ka dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*