Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo yeelanaya shir ku saabsan Soomaaliya

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. [Sawir Hore]
New York-(Puntland Mirror) Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaado ah ka doodi doona qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasi, kadib markii qaar katirsan Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo hoggaamiyaasha mucaaradka ay iclaamiyeen in madaxweynaha uu sharci daro ku joogo.

Kulanka maanta oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin waxaa codsatay Britain, oo bishaan hoggaanka u haysa golaha, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo lagu naanayso Farmaajo ayaa wajahaya qalalaase hoggaamineed iyadoo muddo xileedkiisii dastuuriga ahaa uu dhammaaday Isniintii oo bishu ku beegnayd 8-da Febaraayo, 2021, aysana jirin heshiis ku saabsan doorashada.

Farmaajo iyo madaxweynayaasha shan dowlad goboleed ayaa heshiis gaaray bishii September kaasoo u gogol xaarayay doorasho dadban oo baarlamaan iyo madaxweyne oo la qabto dabayaaqada 2020 iyo horaanta 2021. Balse waxa uu noqday mid guuldareystay kadib khilaaf ka dhashay sida loo qabanayo codaynta, waxaana lagu kala tagay shirkii ugu dambeeyay ee Dhuusamareeb asbuucii lasoo dhaafay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*