Michael Keating: Cod iibsashadu iyo laaluushka waa run

1-95
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna safiirka Soomaaliya Micheal Keating. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wareysi gaar ah oo uu saxaafada siiyay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna safiirka Soomaaliya Micheal Keating ayuu uga hadlay arrimo ku saabsan doorashada soo socota ee Soomaaliya taasoo la qorsheeyay in la qabto dabayaaqada sanadkan, isaga oo ka hadlay arrimaha qoondada haweenka, doorka odayaasha dhaqanka ee soo xulida xildhibaanada iyo walaaca musuq-maasuqa ee hanaanka doorashada.

Intii wareysiga lagu guda jiray, Micheal Keating ayaa la weydiiyay sida loo xaqiijin karo doorasho daacad ah oo la isku haleyn karo, waxaana uu cadeeyay in si weyn loo isticmaalayo laaluush iyo lacago sharci daro ah si loo helo cod.

“Cod iibsashadu iyo laaluushka waa run. Waana ognahay in ay jiraan in lacago badan la isdhaafsanayo. Waxaad ka akhrin kartaa saxaafada Soomaalida,”ayuu yiri Micheal Keating.

“Waxaan u malayn waxa muhiimada ah in ay tahay codaynta, marka ay runtii dhacayso, waa sir, ma jirto wax taleefoon ah tusaale ahaan oo ay dadka qaadan karaan si ay sawiro u qaadaan oo say u codeeyaan ah iyo ugu dambayn in wakhtigaas aad calaamadisid magaca murashaxa aadna sanduuqa dhigtid taasi hadda waa mid aad sir u ah natiijaduna waxay noqon doontaa mid si deg deh ah loo sheego,” ayuu yiri Keating.

Si kastoo ay ahaataba hadalka ergayga Qaramada Midoobay ayaa imaanaya iyada oo lasoo gabagabeeyay doorashooyinka aqalka sare ee maamul goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Dhanka kale warsidaha Puntland Mirror ayaa ogsoon in dhaqaale badan oo laaluush ah loo isticmaalay tartankii xubnaha aqalka sare ee Puntland.

Dhamaan murashaxiinta u taagnaa aqalka sare ee Soomaaliya ayaa laga qaaday mid $10,000, lacagtaas ayaa la sheegay in aysan ku dhicin akoomada dowlad goboleedyada, balse ay ku dhacday akoon ay Qaramada Midoobay leedahay, waxaana lacagtaas lagu kabi doonaa dhaqaalaha ku baxaya doorashada guud ee dalka, sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen Puntland Mirror.

Beri oo AXad ah oo bishu ku beegantahay 23-ka Oktoobar ayaa sida horey loo qorsheeyay waxaa bilaabmaysa soo xulida xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka.

Soomaaliya ayaa doonaysa in 30-ka bisha November ay dhacdo doorashada madaxweynaha, balse waxaa jirta habac-sanaan doorasho taasoo keeni karta in mar saddexaad ay dib u dhacdo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*