Kenya oo sheegtay in ciidamadeedu ku dileen 57 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah dagaal ka dhacay koonfurta Soomaaliya

Kenya oo sheegtay in ciidamadeedu ku dileen 57 dagaalyahan oo Al-Shabaab dagaal ka dhacay koonfurta Soomaaliya.[Sawirka: Archive]
Kenya oo sheegtay in ciidamadeedu ku dileen 57 dagaalyahan oo Al-Shabaab dagaal ka dhacay koonfurta Soomaaliya.[Sawirka: Archive]
Nairobi-(Puntland Mirror) Ciidamada Kenya ayaa ku dilay 57 dagaalyahan oo katirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab dagaal ka dhacay koonfurta Soomaaliya shalay oo Arbaco ahayd, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Kenya.

Ciidamada Kenya oo ka hoos shaqeeya Howlgalka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya (AMISOM) ayaa u adeegsaday madaafiic iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca dagaal dhexmaray dagaalyahanada Al-Shabaab oo ka dhacay magaalada Afmadow oo qiyaastii 60-km dhanka beriga kaga beegan magaalo xeebeedka Kismaayo, sida uu bayaan ku sheegay afhayeenka ciidamada Kornayl Joseph Owuoth.

“Intii lagu guda jiray weerarka, 57 maleeshiyo Al-Shabaab ah ayaa la dilay tiro kale oo aan la aqoona waa dhaawacmeen,” Owuoth ayaa sidaa yiri, isaga oo intaas ku daray in ilaa iyo shan gaari oo qoryo saaranyihiina la gubay.

Xisaabtaas Kenya sheegtay maahan mid si madax-banaan loo cadayn karo, sida ay qortay wakaalada caalamiga ah ee wararka Reuters.

Bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan, dagaalyahno katirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari oo kuyaala magaalada Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose oo u dhow xadka dalka Kenya, Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dileen ugu yaraan 66 askari oo Kenyan ah, halka Kenya sheegtay in laga dilay sagaal askari.

Bartamihii bishii Janaayo sanadkii 2016-kii, Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen in ka badan 100 askari oo Kenyan ah kadib weerar ay ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo oo u dhow xadka Kenya.  Milatariga Kenya ma aysan sheegin tirada khasaaraha ka dhashay weerarkaas, balse wararka warbaahinta ayaa cadeeyay tirada ay Al-Shabaab sheegtay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*