RW Sharmaake: Waxaan ka codsanayaa dowladdaha deriska in ay faraha kala baxaan arrimaha doorashada Soomaaliya

RW Sharmaake: Waxaan ka codsanayaa dowladdaha deriska in ay faraha kala baxaan arrimaha doorashada Soomaaliya. [Sawirka: Twitter]
RW Sharmaake: Waxaan ka codsanayaa dowladdaha deriska in ay faraha kala baxaan arrimaha doorashada Soomaaliya. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo maanta oo Arbaco ah uu ku qabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid ahaayeen howlihii ay xukuumadiisu qabatay intii uu xafiiska joogay iyo saameynta  dalalka deriska ah ay ku leeyihiin arrimaha doorashada Soomaaliya.

Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa carabka ku dhuftay saameynta ay dalalka deriska ah ku leeyihiin dorashada Soomaaliya.

“Doorasho ayaa lagu jiraa, baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan rajeynaynaa in ay ka madax-banaanaadaan wax alle wixii farogelin dowladdahaan shishiiyee ama dowladdaha deriska ah” ayuu yiri Raysulwasaarahu.

“Waxaa jirta hadda culaysyo iyo farogelin runtii ka imaanaya dowladdaha deriska qaarkood, marka runtii waxaan rabnaa iyagana in ay naga dhaxeyso qadarin iyo ixtiraam, Soomaalina ay u madax-banaanaato aayaheeda, waana aaminsanahay baarlamaanka Soomaaliyeed in uu taas isagu u madax-banaanyahay inuu soo dhiso dowladda ay markaas u arkaan iyo dadka ay u arkaan in ay dalkaan daadihin karaan.” Ayuu ku daray.

Cumar Cabdirashiid ayaa ka digay in dowladdaha deriska ay taageero gaar ah siiyaan musharax.

“Sideedaba amniga gacanta nala ka siinayo in nala kaga faai’daysto oo ajandooyin siyaasadeed iyo musharax gaar ah in la taageero waa arrin aan fiicnayn,” ayuu RW Cumar.

“Waxaan ka codsanayaa dowladdaha deriska in ay faraha kala baxaan ay noqdaan dad qadarin iyo ixtiraan naga dhaxayso.” Ayuu ku daray.

Cumar Cabdirashiid oo labo jeer noqday Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya ahna wiilka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa u tartamaya doorashada madaxweynaha dalka Geeska Afrika.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*