Dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay in wadahadal la furtay Imaaraatka Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii sheegtay in ay wadahadal la furtay Imaaraatka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa laanta Af-Soomaaliga ee VOA u sheegay in wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka ay bilaabmeen, isaga oo intaas ku daray in uusan jirin wadan saddexaad oo dhexdhexaadinaya.

Xiriirka u dhaxeeya labada dal ayaa meel xun gaaray maalmihii lasoo dhaafay kadib markii ciidamada ammaanka ee ku sugan Muqdisho ay 8-dii bishaan April qabteen lacag kaash ah oo ay siday diyaarad ka timid Imaaraatka.

Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in lacagta oo dhan $9.6 milyan loogu talogalay in lagu daboolo mushahaarka 2,407 askari oo katirsan ciidamada Soomaaliya oo ay tababaraan Imaaraatka.

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in lacagta la dhigay bangiga dhexe lana baarayo.

Imaaraatka ayaa bayaan uu soo saaray Axadii ku sheegay in ay joojiyeen barnaamijkooda taageerada ciidamada Soomaaliya kadib khilaafka soo kala dhexgalay labada dhinac.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa xumaa tan iyo maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*