Gaas iyo Guuleed oo ku kulmi doona Gaalkacyo si ay uga wadahadlaan joojinta dagaalka Gaalkacyo

leaders
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa la filayaa maanta oo Sabti ah in ay ku kulmaan magaalada Gaalkacyo, sida ay ilo-wareedyada sheegayaan.

Labada madaxweyne ayaa kawadahadli doona sidii xal looga gaari lahaa colaada Gaalkacyo ee u dhaxaysa labada dhinac.

Ugu yaraan 60 qof oo u badan ciidamada dagaalamay ayaa ku dhimatay dagaalo ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo asbuucyadii lasoo dhaafay.

Ku dhawaad 80,000 dad shacab ah ayaa ku barakacay dagaalada Gaalkacy, sida ay sheegtay haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiyaasha.

Gaalkacyo oo ah caasimada gobolka Mudug ayaa u kala qeybsanta labo qeybood, qeybta koonfureed waxaa ka taliya maamulka Galmudug halka qeybta waqooyi ay maamusho dowladda Puntland.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*