Odayaasha dhaqanka Mandheera oo Al-Shabaab kala hadlaya in ay sii deyso labo dhakhtar oo u dhashay Cuba

Dhakhaatiirta u dhashay Cuba oo howlo caafimaad ka fulinyay deegaanka Mandheera. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Mandheera ayaa Soomaaliya u yimid si ay wadaxaajood ula yeeshaan dhiggooda Soomaaliya si loo sii daayo dhakhaatiir u dhashay dalka Cuba oo ay afduubteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Sida uu ku waramay wargeyska The Star ee dalka Kenya, toban oday dhaqameed ayaa soo gaaray gudaha Soomaaliya si ay uga dhaadhiciyaan odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed ee kunool deegaanada ay Al-Shabaab maamusho in ay maleeshiyadu ay sii deyso dhakhaatiirta.

Jimcadii, niman hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa deegaanka Mandheera ee waqooyi-bari Kenya ka afduubtay labo dhakhtar oo u dhashay Cuba kuwaasoo howlo caafimaad ka waday deegaanada Soomaalida Kenya.

Dhakhaatiirta ayaa la weeraray xilli ay ku sii jeedeen isbitaalka Mandheera, waxaana weerarka lagu dilay askari booliis ah oo kamid ahaa ilaaladooda.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegtay in dhakhaatiirta laga gudbiyay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sanadihii u dambeeyay gudaha Kenya ka fulisay weeraro, qaraxyo iyo afduubasho ka dhan ah ajaaniib.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*