Ciidamada Itoobiya oo qirtay in ay soo rideen diyaarad laga lahaa Kenya

Burburka diyaarada. [Isha Sawirka: Twitter]
Addis Ababa-(Puntland Mirror)  Ciidamada Itoobiya ayaa qirtay in ay soo rideen diyaarad laga lahaa Kenya, oo ay ku dhinteen lix qof.

Warbixin hordhac ay oo soo saareen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa muujisay in diyaarada ay soo rideen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa saldhig milatari oo kuyaala deegaanka Bardaale ee gobolka Bay.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in ciidanka Itoobiyaanka ah ee halkaas ku sugnaa aysan la socon imaanshaha diyaarada ee deegaankaas.

“Ma uusan jirin macluumaad ku saabsan in diyaarad ay imaanayso Bardaale. Ciidamada waxay uga shakiyeen diyaarada in ay rabto in ay weerar ismiidaamin ah ay fuliso, arrintaas darteed diyaarada ayaa waxaa soo riday ciidamadeena,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Diyaarada ayaa waxaa lahaa shirkada duuliimaadyada African Express, oo ka diiwaangashan dalka Kenya, waxaana la sheegay in ay daawo u siday deegaanka Bardaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*