Dagaal dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

taangi-pl
Taangiyada ciidamada Puntland ee Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug ayaa maanta oo Khamiis ah ka qarxay magaalada Gaalkacyo

ee gobolka Mudug, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qof dadka deegaanka ah oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa warsidaha Puntland Mirror maanta oo Khamiis ah u sheegay in dhawaaqa qoryaha laga maqlayo qaybo badan oo kamid ah magaalada.

Dagaalka maanta oo Khmaiis ah ayaa ka bilaabmay duleedka koonfureed ee magaalada halkaas oo labada dhinac ay ku leeyihiin saldhigyo.

Dagaalka ayaa imaanaya saddex bari kadib markii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo kan Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ay khadka taleefoonka uga wada-hadleen arrinta Gaalkacyo ayna isku raaceen xabad joojin deg deg ah in la sameeyo, sida ilo-wareedyo ku dhow madaxtooyadaPuntland ay u sheegeen Puntland Mirror.

Ma jiraan faahfaahino deg deg ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*