Maxkamada ciidamada Puntland oo 43 dagaalyahan oo al-Shabaab ku xukuntay dil

Garoowe-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada militariga dowlada Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay maalintii Khamiista 43 dagaalyahan oo al-Shabab ah, sida ilo-wareedyo dhanka ciidanka ah ay u sheegeen Puntland Mirror.

43 dagaalka yahan oo al-Shababka ah, ayaa lagu helay in ay ka qayb qaateen dagaalkii dhiiga badan ku daatay oo bartamihii bishii Maarso dhexmaray ciidamada dowlada Puntland iyo kooxda al-Shabaab.

Intii ay socotay maxkamadaynta xubnaha al-Shabaab, warbaahinta maxaliga ah ayaa loo diiday maxkamada.

Sarkaal katirsan ciidamada Puntland oo magaciisa codsaday in aan la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in xubnaha dilka lagu xukumay ay da’adoodu ka weyntahay 18-sanno, waxaana uu xusay in ay ku jiraan ilaa iyo 4 xubnood oo da’adoodu tahay ilaa 70-sanno.

Dhawaan, Madaxweynaha Puntland oo la hadlayay saxaafada, ayaa Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali  waxa uu balanqaaday in ay dhaqan-celin u sameyn doonaan dhalinyarada yar yarka ah ee xabsiga ku jira si dib loogu cesho qoysaskoodii.

Dagaalkii bartamihii bishii Maarso ka dhacay xeebaha badweynta Hindiya oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Puntland iyo al-Shabaab ayaa waxaa kooxda al-Shabab looga dilay dagaalyahano ka badan 100 halka dowlada ay ku weyday in ka badan 20 askari.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*